Connect with us

somalilandtoday.com

Meydka Nin Soomaali Ah Oo Laga Helay Xarun Ku Taalla Koonfur Afrika

focus

Meydka Nin Soomaali Ah Oo Laga Helay Xarun Ku Taalla Koonfur Afrika

Meydka Nin Soomaali Ah Oo Laga Helay Xarun Ku Taalla Koonfur Afrika

(SLT-Koonfur Afrika)-Wararka aanu ka heleyno Magaalo ku taalla dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas saaka laga helay Meydka nin Soomaali ah oo kamid ahaa dadka halkaas ku nool.

Meydka Marxuumka ayaa waxaa laga helay Xarunta laga raaco Tareenada “Train Station” ee taalla Magalada Port Elizabeth ee Koonfur Afrika, waxaana la sheegay in la dilay.

Dad Soomaali ah oo tegay goobta ayaa waxaa ay sheegeen in ninkan xiligii ay dul-tagayeen Meydkiisa uu qorta xadhig uga xidhnaa, isla markaana halkaas ka qaadeen, iyagoo geeyay Xarun Meydadka lagu baadho.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in ninka Soomaaliga ee la dilay uu la shaqeyn jiray dad Koonfur Afrikaan ah, welina si dhab ah looma oga sababta keentay dilka ninkaasi.

More in focus

To Top