Connect with us

somalilandtoday.com

FARMAAJO Oo Kulan Gaar Ah La Yeelanayo Wasiirrada Iyo Xildhibaannada Deegaan Ahaan Ka Soo Jeeda Somaliland

focus

(SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Maanta waxaa lagu wadaa inuu kulan gaar ah la qaato Wasiirada iyo Xildhibaanada deegaan ahaan ka soo jeeda Somaliland ee ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Kulankaas oo ah mid quraac ah ayaa lagu ku casuumay Wasiirada iyo Xildhibaanada ka soo jeeda Somaliland, isla markaana waxaa loo diray fariimo ku aadan in kulan uu ku Casuumay Madaxweynaha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa la filayaa in Wasiirrada iyo Xildhibnaanada uu warbixin ka siiyo Shirkii dhawaan Magaalada Jabuuti ku dhexmaray dalalka Soomaaliya iyo Somaliland, kaasi oo lagaga hadlayo Arrimo kala duwan.

Sidoo kale inta uu socdo kulanka ayaa waxaa lagaga hadli doonaa Arrimo ku saabsan Doorashooyinka.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Kulanka Maanta uu hogaamin doono dhanka Wasiirada iyo Xildhibaanada ka soo jeeda Somaliland Raysal Wasaare ku-xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar.

More in focus

To Top