Connect with us

somalilandtoday.com

Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Ka Amba-baxay Jabuuti, Dibna Ugu Laabtay Dalkiisa

focus

Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Ka Amba-baxay Jabuuti, Dibna Ugu Laabtay Dalkiisa

Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Ka Amba-baxay Jabuuti, Dibna Ugu Laabtay Dalkiisa

(SLT-Hargeysa)-Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa saaka ka ambabaxay Magaalada Jabuuti ee Caasimadda dalkaas, kadib markii uu shalay ka qeyb galay Shirkii dhexmaray Soomaaliya iyo Somaliland.

Abiy Axmed ayaa Khubad ka jeediyay Shirka Somaliland iyo Soomaaliya, isagoo sheegay inta uu socday shirka in laga wada hadlay Arrimo ku aadan labada dhinac iyo kuwo kale oo Ajendayaasha ku jiray.

Raysal Wasaare Abiy ayuu u mahadceliyay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo shirkaas ku Casuumay, isla markaana shir guddoomiye ka ahaa shirka, waxaa kaloo Abiy uu u mahadceliyay Madaxweye Farmaajo iyo Madaxweyne Muuse Biixi.

Si kastaba Somaliland ayaa shaacisay inuu fashil kusoo dhaaafay shirkii u dhexeeyay DFS iyo Somaliland, isla markaana labada dhinac ku kala kacay, kadib markii Somaliland ay laba shuruud ku xidhay Dowladda Soomaaliya, kuwaasi oo kala ahaa in garawshiyo laga bixiyo xasuuqii loo geystay shacabka Somaliland iyo in lagu daro ajandaha in Somaliland aqoonsi la siiyo.

More in focus

To Top