Connect with us

somalilandtoday.com

Jilaaga Caanka Ah Ee Reer Hindiya Sushant Singh Rajput Oo Is-dilay, Taariikhdiisa Oo Kooban

focus

Jilaaga Caanka Ah Ee Reer Hindiya Sushant Singh Rajput Oo Is-dilay, Taariikhdiisa Oo Kooban

Jilaaga Caanka Ah Ee Reer Hindiya Sushant Singh Rajput Oo Is-dilay, Taariikhdiisa Oo Kooban

(SLT-Mumbai)-Mid ka mid ah xidigaha sida aadka ah u soo caanbaxay sannadihii ugu dambeeyay ee Bollywoodee dalka Hindiya Sushant Singh Rajput, ayaa meydkiisa laga helay guri uu ka daganaa magaalada Mumbai.

Jilaagani caanka ah oo ay da’diisu ahayd 34 jir ayaa sida ay booliiska sheegeen la rumaysan yahay in uu is-dilay.

Filimaanta uu caanka ku ahaa, Rajput waxaa ka mid ah MS Dhoni iyo filimkii la magac-baxay The Untold Story.

Waxaa geeridiisa ka tacsiiyeeyay dad badan oo uu ka mid ahaa rai’sul wasaaraha dalka Hindiya Narendra Modi.

Mr Modi, ayaa ku tilmaamay Rajput “jilaa da’yaraa oo ay geeridiisu soo deg-degtay “.

Geerida Rajput ayaa ku soo beegmaysa maalmo uun ka dib markii uu dhintay maamulihisii.

Taariikh Rajput oo kooban

Sushant Singh Rajput waxaa uu ku dhashay gobolka bariga dalka Hindiya ku yaalla ee Bihar.

Rajput ayaa isaga tagay jaamacada oo uu ka baranayay culuumta Injineernimada islamarkana waxaa uu door biday in uu xirfadiisa u leexiyo dhanka jilliinka.

Waxaa uu Bollywood-ka caan ka noqday oo uu ku soo biiray 2013 markaasi uu ka mid noqday jilaayashii filimkii xiisaha badnaa ee Kai Po Che, oo ahaa filim ku guulaystay abaalmarintii aflaanta ee Berlin film festival.

Filimkii ugu dambeeyay ee uu dhigay Sushant Singh Rajput ayaa ahaa Chhichhore, kaasi oo la soo saaray sanadkii aanu soo dhaafnay.

Agaasimihii filimkaasi Nitesh Tiwari aya sheegay in Sushant Singh Rajput uu la hadlay toddobaadkii aanu soo dhaafnay.

“Waxaan ku hadlo ma aqaan, waxaan la hadlay toddobaadkii aanu soo dhaafnay,” waxaa uu sidaasi u sheegay wargeyka ka so baxa Hindiya ee Press Trust of India

Qoraalkii ugu dambeeyay ee uu so dhigay Mr Rajput barta uu ku leeyahay Instagram-ka oo ay ku xidhan yihiin 10.2 milyan oo qof ayaa ahaa 3 bishii June,.

Rajput ayaa waxaa uu soo dhigay sawirka hooyadii oo dhimatay 2002, markaasi oo uu aad u da’a yaraa, sida laga soo xigtay wargayska PTI.

Maamulihiisii Disha Salian, oo 28 jir ahaa, ayaa dhintay ka dib markii uu ka soo dhicay dabaq 14 dabaq ka kooban magaalada Mumbai.

More in focus

To Top