(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta shirkii wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya ee ka furmay dalka Jabuuti, waxa uu si geesinimo iyo hal-adayg ka muuqdo uu ku soo bandhigay Burhaantiisa Hoggaamineed, waxaanu Dawladda Soomaaliya iyo Ergadii ka socotay Beesha Caalamka si adag ugu qadimay garnaqsiga iyo xaqa Somaliland ay leedahay madax-bannaanideeda lama taabtaanka ah.
Madaxweyne Muuse Biixi oo la fuliyey baaqiisii ahaa in fagaaraha ay Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya ku wadahadlayaan ay goob-joog ka noqdaan xeerbeegti damaanad ka noqda garnaqsiga iyo wadaxaajoodyada labada dhinac, waxana shirkan oo uu martigeliyey Madaxweynaha Jabtuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle oo kaashanayey Dawladda Maraykanka, si weyn uga soo qaybgalay shirkan Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, Safiirka Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya Donald Yamamoto, Wakiillo ka socday Guddoomiyaha Midowga Afrika, Xoghayaha fulinta Urur Goboleedka IGAD Dr. Workneh Gebyehu, Madaxa Midowga Yurub u qaabilsan Jabuuti Joseph Silva. Waxa kaloo kulankan goob joog ka ahaa Wakiillo ka socday Qarammada Midoobay.
Madaxweyne Muuse Biixi wuxuu qaddiyadda Madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland u faahfaahiyey qaab fajac geliyey Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo iyo weftigii uu hoggaaminayey, sidoo kalena waxa khudbadii Madaxweynaha JSL ay dalalkii iyo madaxdii Ururrada caalamiga ahaa u iftiimisay sida masiirka Somaliland aanu u aheyn mid safaad geli kara.
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu khudbadiisa oo shan bog ka koobnayd uu si qoto-dheer uga warramay marxaladihii ay Somaliland u soo martay qarannimadeeda xiligii gumaystaha, xornimadii ay ka qaadatay Ingiriiska 26kii Bishii June 1960kii iyo midowgii lagu hungoobay ee ay la gashay Soomaaliya iyo halgankii hubeysnaa ee dib loogu xoreeyey JSL.
Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu ka taariikheeyey sida sharci ahaan qaddiyadda Somaliland u tahay mid waafaqsan xudduudihii uu gumaystuhu ka tagay oo ay qireen wefti ka socday Midowga Afrika oo booqasho ku yimid Somaliland sannadkii 2005tii. Wuxuu intaas ku daray in aanay aheyn gobol ka go’ya dal, hase ahaatee ay tahay Somaliland qaran ka noqday midowgii uu la galay Soomaaliya.
Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu hoosta ka xariiqay in midowgii ay Somaliland la gashay Soomaaliya ay ka dhaxashay xasuuq baahsan oo Taliskii Siyaad Barre u geystay dadka rayidka ah ee Somaliland, waxaanu tilmaamay kooxda Qarammada midoobay u qaabilsan Xuquuqda aadanuhu ay diwaangeliyeen 200 oo xabaal wadareed oo qaarkood aan wali la aasin, taasina ay tahay gabood fal Dawladdii Soomaaliya ku sameysay ummadda reer Somaliland.
Madaxweynaha Somaliland wuxuu sheegay inuu rumaysan yahay in nabad waarta oo mustaqbalka la gaadho lagu heli karo wadahadallo daacad laga yahay oo ay yeeshaan Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya iyo xeer-beegti caalamiya oo damaanad qaada dhexdhexaadinta labada dal.
Md. Muuse Biixi Cabdi waxa kaloo uu ku dooday in wadahadalladu noqdaan qaar loo wada hadlo laba dal, islamarkaana ajande cad lagu falanqeeyo waxyaabaha la isku diidan yahay, Waxaanu Su’aal geliyey Sida loo sii wadi karo wada-hadallada Maadaama aanay Somalia fulin heshiisyadii lagu kala saxeexday London,Istanbul, Iyo Jabuuti ,Waxa kaloo madaxweynaha JSL sheegay in jiilka xilligan ee Soomaaliya aanay masuul ka aheyn waxyaabihii jiilkii ka horreeyey sameeyeen, iyadoo raaligelin laga bixiyo gaboodfaladii Soomaaliya geysatay ay qalbi-dhay iyo niyadsami u noqonayso ummadda reer Somaliland.
Madaxweynaha Somaliland waxa uu sheegay in raaligelin kaliyi aanay ku filnayn dhacdooyinkii bahalnimada ahaa ee Soomaaliya u geysatay Somaliland.
Waxa kaloo Madaxweyne Muuse Biixi uu caddeeyey in aqoonsiga madax-bannaanidda Somaliland ay tahay waxa kaliya ee daweyn kara boogihii hore, si ay labada dal u noqdaan laba waddan oo walaalo ah oo isku xidhan, isla markaana mustaqbalka is taageersada.
Ugu dambeyn, wuxuu Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi uu sheegay inuu rajo weyn yahay dalalka jaarka ah ee mandaqadu ay si wadajir ah ummadahooda ugu sameyn karaan mustaqbal wanaagsan.