Connect with us

somalilandtoday.com

Qofkii 4-Aad Oo Soomaali Ah Oo Bil Gudahood Lagu Dilay Dalka Koofur Afrika

focus

Qofkii 4-Aad Oo Soomaali Ah Oo Bil Gudahood Lagu Dilay Dalka Koofur Afrika

Qofkii 4-Aad Oo Soomaali Ah Oo Bil Gudahood Lagu Dilay Dalka Koofur Afrika

(SLT-Southern Africa)-Qofkii 4aad oo Soomaali ah ayaa muddo bil gudahood lagu dilay dalka Koofur Afrika, iyadoo ay sii kordhayaan dilalka iyo boobka lagu haayo dadka Soomaalida ah ee ku ganacsada dalka Koofur Afrika.

Muwaadinka la dilay ayaa lagu magacaabayay Cabdiraxmaan Macalin Cali, kaasoo goobtiisa ganacsi lagu toogtay, kadibna la boobay xaruntiisa ganacsi oo ku taalla magaalada Cape Town.

Wararka ayaa sheegaya in kooxdii budhcada aheyd ee dilka ka dambeysay ay goobta ka baxsadeen, mana suura gelin in la soo qabto.

Mas’uuliyiinta Jaaliyadda Soomaalida ee dalka Koofur Afrika ayaa walaac ka muujiyay dilalka soo badanaya ee loo geysanayo Ganacsatada Soomaalida, lana boobayo goobahooda ganacsi.

More in focus

To Top