Connect with us

somalilandtoday.com

Kim Yo Jong Oo Kamid Noqotay Dejiyayaasha Siyaasadda Kuuriyada

focus

Kim Yo Jong Oo Kamid Noqotay Dejiyayaasha Siyaasadda Kuuriyada

Kim Yo Jong Oo Kamid Noqotay Dejiyayaasha Siyaasadda Kuuriyada

(SLT-Pyonyagn)-Gabadha ay walaalaha yihiin hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un, ayaa door muhiim ah ka qaadaneysa olole cusub oo ka dhan ah dalka kuuriyada koonfureed, taasoo dadka wax odorosa ay ku sheegeen in door siyaasadeed oo wax ku ool ah ay ku caawineyso walaalkeed.

Haweeneydaan oo la aaminsanyahay in ay jirto 30 sanno ayaa ah qofka kaliya ee qoyskiisa ugu dhaw  hoggaamiayha kuuriyada waqooyi ee door muuqda ka ciyaareysa siyaasadda.

Intii lagu guda jiray sannadihii 2018-2019 duulaankii diblomaasiyadeed ee caalamiga ahaa, ayaa Kim Yo Jong waxey indhaha caalamka ku soo jeedisay wafdi ay hoggaamineyso oo tegay ciyaarihii Olombikada xagaaga ee lagu qabtay dalka Koofurta Kuuriya.

Waqti dambe ayaa haddana waxaa la arkay iyadoo hubineysa waxa u hagaagay walaalkeed ka weyn oo ku sugan goob tareen oo uu kula kulmayay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo ku taalla  dalka Vietnam.

Ms Kim, ayaa sidoo kale ka mid ah shaqsiyaadka ku jira liiska cunaqabataynta Mareykanka, waxaana lagu eedeeyay tacadiyo dhanka xuquuqda aadanaha ah oo ka dhacay Kuuriyada Waqooyi.

More in focus

To Top