Connect with us

somalilandtoday.com

Ajaanib Ku Sugan Somaliland Oo Laga Helay COVID 19

focus

Ajaanib Ku Sugan Somaliland Oo Laga Helay COVID 19

Ajaanib Ku Sugan Somaliland Oo Laga Helay COVID 19

(SLT-Hargeysa)-Wasaaradda caafimaadka Soomaaliland ayaa maanta ku dhawaaqday natiijada kasoo baxday baadhitaan dhinaca caafimaadka oo lagu sameeyay dhowr qof oo looga shakisnaa xanuunka Covid 19.

Warka kasoo baxay wasaaradda caafimaadka ayaa lagu sheegay 80 qof oo baadhitaanka lagu sameeyay in 26 ka mid ah laga helay xanuunka Covid 19.

Warbixinta ayaa lagu muujiyay in 22- ka mid ah dadkaa ay u dhasheen Soomaaliland 4-kalana ay u dhasheen dalka Hindiya.

Da’da Bukaanadan cusub waxa ay u dhaxaysaa:

(10jir ilaa 19jir = 2 qof)
(20jir ilaa 29jir = 9 qof)
(30jir ilaa 39jir = 7 qof)
(40jir ilaa 49jir = 6 qof)
(50jir ilaa 59jir = 1 qof)
(60jir ilaa 69jir = 1 qof)

Bukaanadan waxa ay kala degan yihiin: Hargeysa 13 qof, Borama 7 qof iyo Berbera oo ah 6 qof

Waxaa xanuunka ka bogsaday 5 qof taasi oo ka dhigaysa tirada guud ee bogsatay Sideed iyo Afartan (48) qof.

More in focus

To Top