Connect with us

somalilandtoday.com

Shirqool Ay QATAR Ka Fulin Lahayd Suudaan Oo La Fashiliyey

English

Shirqool Ay QATAR Ka Fulin Lahayd Suudaan Oo La Fashiliyey

Shirqool Ay QATAR Ka Fulin Lahayd Suudaan Oo La Fashiliyey

(SLT-Khartoum)-Guddoomiye ku xigeenka Golaha Madaxbanaanida Suudaan Sareeye Gaas Maxamed Xamdan, oo loo yaqaani Ximadati Dagalo ayaa shaaca ka qaaday qorshe qarsoodi ah oo ay Qatar la damacsaneyd wadankiisa, kaasi oo ay hoggaanka millatarigu ay ka hortageen.

“Qatar waxaa ay hogaamineysay qorshe qarsoodi ah oo ka dhan ah Golaha kala Guurka Millatariga ee la sameeyay markii xilka laga tuuray Cumar Al-Bashiir, waxay wasiirkeeda arrimaha dibadda u dirtay Sudan, iyadoon ogeysiin hoggaankii ku sugnaa Khartuum,” ayuu yidhi Ximadati.

Ximadti, oo sidoo kale taliye u ah Ciidanka Gurmadka deg-degga ah ee Sudan, ayaa shaaciyay Golaha millatarigu uu diiday in ay la kulmaan Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Qatar Maxamed bin Cabdulraxmaan Al-Thani sababtoo ah lama ogeysiin booqashadiisa.

“Waan la yaabnay markii April 2019 naloo sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Qatar uu Sudan usoo socdo,” ayuu yidhi.

“Muddo waan la yaabaneyn dhaqanka Doxa. Kadib waxaan go’aan deg-deg ah ku gaadhnay in aanan la kulmin wasiirka Qatar diyaaradiisii in ay soo degtana waan diidnay,” ayuu Ximadti ku sheegay wareysi uu siiyay Sudan 24 TV.

Xamidati waxaa uu adkeeyay in “xidhiidhka Sudan ay dunida la leedahay uu ku saleysanyahay danaha guud balse ayna dooneyn inay xulufo la noqoto cidna.”

Waxaa uu ku tilmaamay qorshihii Qatar in uu ahaa “shirqool xaasidnimo ah” kaasi oo loogu talogalay in lagu kala qaybiyo hoggaanka iyo xubnaha Golaha Millatariga.

Waxaa uu sheegay in jaho wareer ay abuureen kuwo ka tirsanaa rajiimkii hore kuwaas oo sheegay in ay madaxweynihii golaha militariga ah General Abdel Fattah al-Burhan la ogeysiiyay booqashada.

“Xilligaas Burhaan waxaa uu ii xaqiijiyay in aan la ogeysiin booqashadda waxaana uu nagu raacay in aan lasoo dhaweyn wasiirka Qatar,” ayuu Xamidati hadalkiisa ku daray.

Waxaa uu yidhi “dhibaato kuma qabno Qatar. Nalagama doonayo in aan wadanna tuurno, balse taas badelkeeda waa in aan dana loo dhanyahay dhisno.”

Qorshaha Wasiirka arimaha dibadda Qatar ku booqanayey Khartuum waxa uu yimid maalmo kadib markii Golaha Militarigu ay eryeen Madaxweynihii hore ee Cumar Xasan Al Bashiir kadib dibad baxyo muddo socday, kuwaas oo soo gebo-gabeeyey 30 sanno oo uu waddanka maamulayay.

Xukuumadda Doxa oo xidhiidh dhow la lahayd maamulkii hore ee Sudan, ayaa sidoo kale taageerta kooxaha Islaamiyiinta ah ee Sudan.

Bishii April sanadkii 2019, Golaha ku Meel-gaarka ah ee Militariga ayaa beeniyay wararkii ku saabsanaa booqashada, laakiin hadalka uu dhowaan sheegay gudoomiye ku xigeenka Golaha Madaxbanaanida Sudan ayaa xaqiijiyay in booqashadu jirtay.

Hadda wax xidhiidh ah kama dhaxeeyo Sudan iyo Qatar, Dowladda Sudan ayaana Qatar ku eedeysa in ay ka shaqayneyso xasilooni darrada wadanka iyadoo taageereysa Ikhwaanul Muslimiin-ka.

More in English

To Top