Connect with us

somalilandtoday.com

Itoobiya Iyo Eritrea Oo Qorsheeyey Afduub Ka Dhan Ah Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe

focus

Itoobiya Iyo Eritrea Oo Qorsheeyey Afduub Ka Dhan Ah Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe

Itoobiya Iyo Eritrea Oo Qorsheeyey Afduub Ka Dhan Ah Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe

(SLT-Addis Ababa)-

Getachew Reda oo xubin ka ah guddiga sare ee fulinta xisbiga Tigreeyga ee TPLF ayaa shaaciyey in Raysal wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki inay isla garteen qorshe lagu afduubayo Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Reda ayaa sheegay in labada hoggaamiye ay damacsan yihiin in Axmed Madoobe loo dhoofiyo magaalada Addis Ababa, si dambi loogu oogo, marka la soo qafaalo.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in arrintaasi fulinteeda loo saaray ciidamada sida gaarka ah tababaran ee Kumaandooska Itoobiya, balse ay ku fashilmeen, kadib caqabado soo waajahay, sida uu hadalka u dhigay.

Ma shaacin Getachew Reda xilliga rasmiga ah ee la diyaariyey ama la maleegay qorshahaasi.

“Abiy oo uu wehliyo Afwerki waxay qorsheeyeen in ay Kismaayo ka soo afduubaan Axmed Madoobe, tani waa heerka halista ee shaqsiyaadkan ay ku yihiin dumuqraadiyadda.”ayuu yidhi Getachew Reda oo ka tirsan guddiga fulinta ee TPLF.

Ugu dambeyn wuxuu siyaasigaan aad u dhaliilay dhaq dhaqaaqyada ay wadaan ciidammada dowladda federaalka iyo kuwa Itoobiya ee lagu daabulay gobolka Gedo.

Arrintan ayaa waxa ay ku soo aadeysaa, iyadoo weli halkiisii yahay khilaafka Axmed Madoobe kala dhexeeyo dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farnaajo) oo haatan xidhiidh wanaagsan la-leh wadamada Itoobiya iyo Eritrea.

More in focus

To Top