Connect with us

somalilandtoday.com

Facebook-gii Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Oo Hawada Laga Saaray

focus

Facebook-gii Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Oo Hawada Laga Saaray

Facebook-gii Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Oo Hawada Laga Saaray

(SLT-Hargeysa)-Waxaa soo baxaya warar sheegaya in hawada laga saaray pagekii cusbaa ee uu dhawaan samaystay Madaxwayne ku xigaanka Puntland Axmed Cilmi cismaan Karaash.

Axmed Karaash ayaa BBC u xaqiijiyay in barta cusub ee uu Facebook ku lahaa hawada laga saaray.

Waxaa uu sheegay in inta ogaalkiisa ah uu wali barta uu facbook ku leeyahay ay hawada ka maqantahay islamarkana ay baaritaano wadaan.

”Waa ka maqan yahay ayaa la igu yidhi waana baadhaynaa howshii, hawada in uu ka maqan yahay ayaa la xaqiijinayaa sababta uu uga maqan yahay ayaa la xaqiijinayaa markaan ogaano ayaan ka jawaabaynaa,” ayuu yidhi Mr Karaash.

Balse madaxwayna ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi cismaan Karaash ayaan wax faahfaahin ah oo dheeraad ah ka bixin arrintan

Madaxwayna ku xigeenka Puntland ayaa dhawaan sameysay cinwaankan cusub ee Facebook ah ka dib khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo madaxwayne Saciid Cabdulahi Dani.

Madaxwayna ku xigeenka ayaa horey u isticmaali jiray barta ay Facebook ku leedahay madaxtooyada Puntland.

More in focus

To Top