Connect with us

somalilandtoday.com

Hindiya Oo Qabatay Shimbir Ka soo Duushay Pakistan Oo Basaasnimo Looga Shakiyay

focus

Hindiya Oo Qabatay Shimbir Ka soo Duushay Pakistan Oo Basaasnimo Looga Shakiyay

Hindiya Oo Qabatay Shimbir Ka soo Duushay Pakistan Oo Basaasnimo Looga Shakiyay

(SLT-Delhi)-Nin Pakistani ah ayaa ugu baaqay raysal wasaaraha Hindiya in loo soo celiyo shimbir nooca qoolleyda loo yaqaan ah, taas oo Hindiya u haysato basaasnimo.

Ninkan, oo ku nool meel 4km u jirta (2.5 mayl) xuduudda, ayaa sheegay in sababta ay u duushay shimbirtiisani ay ahayd si ay ugu dabbaaldegto farxadda Ciidda.

Booliiska ayaa sheegay in shimbirtani ay mid ka mid ah lugaheeda ku xidhnayd fargal wax ku qornaayeen, kaas oo qeexaya sida ay sheegeen xog-gudbin sir ah, ayna isku deyayaan inay u turjumaan xog la fahmi karo.

Ninkan udhashay Pakistan, ee sheegtay lahaaanshaha shimbirtan la qabtay, ayaa sheegay in xogta ku qorani ee lambarrada ahi ay yihiin lambarkiisii caadiga ahaa.

Wargeyska The Dawn ee ka soo baxa dalka Pakistan ayaa ninkan ku tilmaamay magaciisa Habibullah wuxuuna soo werinayaa inuu leeyahay tobaneeyo shimbiro ah oo kale.

Habibullah waxa uu sheegay in shimbirtiisani tahay “astaan nabadeed” Indiana ay tahay inay “ka waantoobaan godobaynta shimbiraha aan waxba galabsan”.

Dadka tuuladu ayaa qabtay shimbirtani isniintii iyagoo maraya xadka caalamiga ah ee Hindiya qaybta ay maamusho ee Kashmir waxayna ku wareejiyeen booliska.

More in focus

To Top