Connect with us

somalilandtoday.com

Saraakiil ka Tirsan Dawladda Imaaraadku Oo U Hanjabay Wakiilkii Hore Ee Somaliland U Fadhiyay Dalka Imaaraadka Carabta.

focus

(SLT-Hargeysa)-Wakiilkii hore ee Somaliland u fadhiyay dalka Imaaraadka Carabta Axmed Yaasiin Hirad, ayaa sheegay in saraakiil ka tirsan dawladda Imaaraadku u hanjabeen, ka dib markii uu dawladda Imaaraadka ku eedeeyay in aanay fulin ballanqaadyada mashaariic ay sheegtay in ay ka fulin doonto Somaliland.

Hase ahaatee xukuumadda Somaliland ayaa arrintaasi raalligelin ka bixisay, iyadoo sheegtay in aanu wakiilka hore ku matalin eedahaasi uu u jeediyay dawladda UAE.

Dhaliilaha uu wakiilkan hore u jeediyay dawladda UAE ayaa waxaa ka mid ahaa mashruucii xunbo-weyne ee fashilmay, kaasi oo ay hore u ballan-qaaday dawladda Imaaraadku.

More in focus

To Top