Connect with us

somalilandtoday.com

Shiinaha Oo Ogolaaday In Baadhitaan Lagu Sameeyo Asalka Coronavirus

focus

Shiinaha Oo Ogolaaday In Baadhitaan Lagu Sameeyo Asalka Coronavirus

Shiinaha Oo Ogolaaday In Baadhitaan Lagu Sameeyo Asalka Coronavirus

(SLT-China)-Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa sheegay inuu taageerayo baaqa Caalamka ee ah in la sameeyo baadhitaan saynis ah oo madaxbanaan oo ku saabsan asalka Cudurka Coronavirus, hase yeeshee wuxuu shuruud uga dhigay in marka hore laga wada shaqeeyo sidii loo xakamayn lahaa cudurka.

Madaxweynaha ayaa hadalka ka jeediyay Shirka Sannadlaha ah ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, Ilaa 100 waddan oo caalamka ayaa ku baaqay in baadhitaan madaxbanaan lagu sameeyay asalka halka uu ka yimid Cudurka.

Madaxweynuhu ayaa difaacay habka waddankiisu u maareeyay faafitaanka Cudurka, waxaana uu sheegay in si daacad ah ay uga warbixiyeen khatarta cudurka iyo faafitaankiisa.

Maraykanka iyo Midowga Yurub ayaa doonaya in Shiinaha dhabarka loo saaro in uu masuul ka yahay Coronavirus, islamarkaana waxay ku baaqayaan in baadhitaan madaxbanaan lagu sameeyo asalka Cudurka.

Fayraska Covid-19 ayaa ka soo shaac baxay magaalada Wuhan, ee dalka Shiinaha, bishii Diseembar, waxaana uu dilay dad ka badan Saddex Boqol oo kun qof ayaa u dhintay Cudurka, waxaana uu saameeyay dad ka badan 4 Milyan oo qof.

More in focus

To Top