Connect with us

somalilandtoday.com

Silvia Romano Oo 18 Bilood Ku Afduubnayd Somalia Oo Qaadatay Diinta Islaamka

focus

Silvia Romano Oo 18 Bilood Ku Afduubnayd Somalia Oo Qaadatay Diinta Islaamka

Silvia Romano Oo 18 Bilood Ku Afduubnayd Somalia Oo Qaadatay Diinta Islaamka

Silvia Constanza Romano, oo u dhalatay dalka Talyaaniga, dhawaana laga soo badbaadiyey Afduub muddo 18 bilood ah ay ugu haysteen Somalia koox xidhiidh la leh ururka Al-shabaab ayaa qaadatay Diinta Islaamka.

Romano, oo da’deedu tahay 25, ayaa laga afduubay magaalada xeebta ku taal koonfur-bari ee Chakama bishii Novembar 2018, waxaana afduubkaasi laga soo badbaadiyey Axadii iyada oo ay siidaynteeda ka wada shaqeeyeen sirdoonka Turkiga, Soomaaliya iyo Talyaani.

Haweenaydan Talyaaniga eek u afduubnayd Somalia ayaa sheegtay inay iyadu si iskeed ah u qaadatay diinta Islaamka oo aan lagu khasbin, kadib markii ay ka baratay Qur’aanka iyo waxoogaa Carabi ah sida ay hadalka u dhigtay.

More in focus

To Top