Connect with us

somalilandtoday.com

Shaqaalaha Ammaanka Madaarka Hargeysa Oo Ka Gadooday Lacaggo Lagga Cunay

News

Shaqaalaha Ammaanka Madaarka Hargeysa Oo Ka Gadooday Lacaggo Lagga Cunay

Shaqaalaha Ammaanka Madaarka Hargeysa Oo Ka Gadooday Lacaggo Lagga Cunay

(SLT -Hargeysa) Qaar kamid ah Shaqaalaha ammaanka ee Garoonka Diyaaraddaha ee magaalada Hargeysa, ayaa shalay  ka gadooday lacag ay laga musuq-maasusay oo ay lahayeen,waxaanay cabasho la hor-teggeen xafiiska Mareeyaha Hay’adda Duulista

Shaqaalahan ayaa la sheegay inay hore ugu gudbiyeen Cabashadooda Masuuliyiinta Hay’adda duulista iyo Hawadda Somaliland, balse markii ay wax-ba ka qaban waayeen cabashoodooda ay keentay inay sameeyaan gadood cabasho ah oo la hor-taggeen xarunta Hay’adda Duulisa iyo gaadiidka cirka

Dhanka kalena shaqaalahan ammaanka Madaarka Hargeysa ee laga musuq-maasuqay lacagahoodii, ayaa waxay la weriyey inay cabashooda ay soo gaadhsiiyeen Hay’adda Shaqaalaha Dowlada, kadib markii ay ka caal waayeen inay wax u qabato Hay’adda Duulistu.

Ma jiro wax war ah oo ku saabsan amuurtan oo ka soo baxay Hay’adda Duulista iyo Gaadiidka Cirka Somaliland, balse waxay  shaqaalaha ammaanka ee Madaarka Hargeysa ay sameeyeen shalay gadood ay la hor-taggeen xarunta Hay’addaas, iyagoo ka cabanayey lacago laga musuq-maasuqay.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in News

To Top