Connect with us

somalilandtoday.com

Shirkad 16 Sannadood Sifo Aan Lagaranayn Malaayiin Lacag Ah Uga Faa’iida Kawaanka Xoolaha Hargeysa Iyo Mooganaanta Xukuumadda Madaxweyne Biixi

focus

Shirkad 16 Sannadood Sifo Aan Lagaranayn Malaayiin Lacag Ah Uga Faa’iida Kawaanka Xoolaha Hargeysa Iyo Mooganaanta Xukuumadda Madaxweyne Biixi

Shirkad 16 Sannadood Sifo Aan Lagaranayn Malaayiin Lacag Ah Uga Faa’iida Kawaanka Xoolaha Hargeysa Iyo Mooganaanta Xukuumadda Madaxweyne Biixi

Shirkad lagu magacaabo Maandeeq ayaa muddo 16-sanno ah qaab aan la garanayn u maamulata Dakhli Culus oo Xukuumadda meel weyn ka gufayn lahaa kaasi oo aanay habayaraatee Xukuumaddihii kala dambeeyay ee Kulmiye hoos u eegin islmarkaana aanay Daraasayn mihiimka ku samayn Nadaafadda kawaanka Xoolaha Hargeysa oo Xoolo tiro badan iyo dakhli Culus laga dheefo.

Sida lagu baahiyay Shabakadaha Wararka Somaliland ee ay ka mid yihiin shabakadda wararka ee Wargeyska Yool (yoolnews.com) oo aanu warbixintan si rasmi ah uga soo xiganay, Shirkadda Maandeeq ayaa waxa mashruuca Nadaafadaynta “Hygiene” ee Kawaanka Xoolaha lagu qalo ee Magaalada Hargeysa ku wareejisay Xukuumaddii Daahir Riyaale wakhti ku siman Bishii January – 1-Deedii 2006-dii, taasi oo uu door weyn ku lahaa Maayarkii Wakhtigaasi ee Dawladda Hoose Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir,oo la sheego inuu isaga laftiisu ka mid yahay saamilayda Shirkaddan, Waxaanay tan iyo wakhtigaasi oo ay hadda kaso wareegtay 16-sanadood si xor ah iskaga manaafacaadsanaysaa Kawaanka Xoolaha Hargeysa iyadoo aan wax la xisaabtan ah iyo jeekin ah kala kulmin Xukuumaddihii ka dambeeyay Xukuumadii UDUB, Wallaw la sheego inay Qaab laaluusho iskaga maamulan tahay shirkaddani.

Shirkaddan ayaa waxay Neefka Geella ah ee lagu qalo Kawaanka ka qaadaa cashuur dhan, 58000-kun oo Shilin Somaliland ah oo nadaafad ah, Neefka Adhiga ahna 12000-kun, halka ay Neefka Lo’da ahna ka qaado 33000-kun, waxa isku celcelis ahaan Maalintii Kawaanka Hargeysa lagu qalaa Xoolo isku gayn noqonaya 5000-Neef oo iskugu jira Lo, Adhi iyo Geel, kuwaasi oo ay ka soo xerooto lacag ka badan 12-kun oo dollar, taasi oo sanadkii Noqonaysa Dakhli ka badan afar Milyan oo dollar, waxaanay lacagtaasi muddo 16-sanno ah sifo aan la garaynayn ugu dhacaysay jeebka Shaqsiyaasi gaar ah oo iska manaafacaadsadda.

Arimaha Cajiib ah ee ka yaabiyay Ganacsatada Hiliblayaasha Hargeysa ee ay shirkaddani ku arkayayeen muddo dheer ayaa wax ka mid ah inay shirkaddani si toos ah oo aan qarsoodi lahayn ay uga been sheegto tiradda xoolaha maalinlaha ee lagu qalo Kawaanka Hargeysa si ay u lunsato cashuurta yar ee kuwaajibtay inay Dawladda u xerayso, waxay si maalinle ah tiradda Xoolaha lagu qalo Kawaanka Xoolaha Hargeysa u gudbiyaan Maayarka Hargeysa, iyagoo si layaableh tirada Xoolaha u yareeya, tusaale ahaan waxay geella ka dhigaan 7-neef oo qudha halka ay boqolaal Neef oo Geel ah Kawaanka lagu qalo, taasi oo burbur ku ah nidaamka dakhli ururinta ee Qaranka, iyadoo aanay shirkaddani wax qaliin ah shaqo ku lahayn balse ay mashruuc ku haysato Nadaafadii “Hygiene” Dawladda Hoose qaban jirtay.

Dakhli culus ayaa Xukuumadda kaga laaban Kawaanka Hargeysa oo ay shirkaddani nadaafadaynteeda gacanta ku hayso,haddii si fiican loo maamulo waxay kafayn kartaa qaybo dhan oo ka mid ah kharashaadka muhiimka ah ee Qaranka, gaar ahaan Dawladda hoose ee Hargeysa. Waa deked qalan oo aan la ogayn islamarkaana ay dheeftaan shaqsiyaad aan ku xisaabtamayn inay maruun la kulmi doonaan la xisaabtan dawladeed.

More in focus

To Top