Connect with us

somalilandtoday.com

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Oo Muddo Kaddib Fagaaro Ka Soo Muuqday, Kadib Markii La Waayay

focus

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Oo Muddo Kaddib Fagaaro Ka Soo Muuqday, Kadib Markii La Waayay

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Oo Muddo Kaddib Fagaaro Ka Soo Muuqday, Kadib Markii La Waayay

(SLT-Pyongyang)-Kim Jong-un ayaa dib fagaaraha uga soo muuqday markii ugu horreeysay muddo labaatan maalmood ah, sida ay soo tabisay warbaahinta qaranka Kuuriyada Waqooyi.

Wakaaladda wararka ee KCNA ayaa sheegeysa in hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi uu xadhigga ka jaray warshadda sameysa qalabka bac-riminta ee beeraha.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in dadkii ku sugnaa warshadda ay aad u farxeen markii ay arkeen hoggaamiye Kim Jon Un.

Ka soo muuqashadiisan fagaaraha ayaa ah tii ugu horreysay tan iyo 12-kii April waxayna taasi sababtay in caalamka la isla dhexmaro warar ku saabsanaa in xaaladdiisu caafimaad ayna wanaagsanayn.

More in focus

To Top