Connect with us

somalilandtoday.com

Haweenaydii U Doonnayd Wariye Khashoggi Oo Baaq Dirtay

focus

Haweenaydii U Doonnayd Wariye Khashoggi Oo Baaq Dirtay

Haweenaydii U Doonnayd Wariye Khashoggi Oo Baaq Dirtay

(SLT-Riyadh)-Gabadhii u doonneyd saxafigii la dilay Jamal Khashoggi ayaa ugu baaqday ugu baaqday horyaalka Ingiriiska ee Premier League in ay horistaagaan in Sacuudiga ay la wareegaan kooxda Newcastle United.

Khashoggi, oo dhaliili jiray boqortooyada Sacuudiga, ayaa lagu dilay 2018 gudaha qunsuliyada ay sacuudiga ku leeyihiin Istanbul .

Sirdoonka dalalka reer galbeedka ayaa waxay rumaysan yihiin in dhaxal-suge Maxamed Binu Salmaan uu amray dilka wariyahaasi, balse waa uu beeniyay Binu Salmaan.

Hay’adda maalgalinta Sacuudiga ee uu hogaamiyo daxal-sugaha ayaa la filayay in 80% naadigaasi ay la wareegaan.

Balse qareenno matalayay Hatice Cengiz, oo ah gabadhii u doonaneyd Khashoggi , ayaa waxay dalbadeen in laga hor-istaago in Sacuudiga ay la wareegaan kooxda Newcastle United iyada oo la eegayo dilka saxafigaasi.

More in focus

To Top