Connect with us

somalilandtoday.com

Suxufi Toogasho Lagu Dhaawacay Magaalada Laascaanood

focus

Suxufi Toogasho Lagu Dhaawacay Magaalada Laascaanood

Suxufi Toogasho Lagu Dhaawacay Magaalada Laascaanood

(SLT-Laascaanood)-Aadan Jaamac Oogle oo ka mid ah suxufiyinta gobolka Sool ayaa  dhaawac xabad ah loogu geystey magaalada Laascaanood xarunta gondola Sool xalay maqribkii.

Suxufigan ayaa laba xabadood ay kaga dheceen garabka bidix iyo gacanta, waxaana lagu dabiibayaa Cisbitaalka Gargaar isagoo ay  xaaladiisu ka soo raynayso sida ay hawlwadeeno caafimaad noo sheegeen.

Warar is khilaafsan ayaa  ka soo baxaya sababta keentay weerarka lagu dhaawacay Oogle iyadoo wararka qaar sheegayaan in muran dhexmaray uu sababay, waxaase ciidanka booliska ay qabteen ninkii falka geystey.

More in focus

To Top