Connect with us

somalilandtoday.com

Wakhtiga Uu Shaqada Dib Ugu Soo Laabanayo Raysal Wasaare Boris Johnson Oo La Shaaciyay

focus

Wakhtiga Uu Shaqada Dib Ugu Soo Laabanayo Raysal Wasaare Boris Johnson Oo La Shaaciyay

Wakhtiga Uu Shaqada Dib Ugu Soo Laabanayo Raysal Wasaare Boris Johnson Oo La Shaaciyay

(SLT-London)-Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Britain ee Downing Street ayaa shaaciyay in Boris Johnson uu Isniinta soo socota shaqada kusoo laaban doono.

Muddo laba toddobaad laga joogo ayay ahayd markii uu Ra’iisal wasaaraha ka soo baxay cisbitaal ku yaalla London, halkaasi oo uu mar cudurka Covid-19 u galay qeybta xaaladda deg-dega ah.

Waxaa uu saameynta xanuunka kaga soo reysanayay hoygiisa rasmiga ah, halkaasi oo uu telefoonka kula hadlay Boqorad Elizabeth, golihiisa wasiiradda iyo Madaxweyne Trump.

Mr Johnson ayaa xafiiska kusoo laabanaya xilli uu waajahayo dhaleeceyn ku aaddan qaabka uu ula tacaalay cudurka safmarka ah ee Covid-19.

Ilo wareedyo ka tirsan dowladdiisa ayaa sheegay inuu aad uga taxadari doono goorta iyo qaabka loo qaadayo xayiraadda saaran Britain ee uu keenay cudurka.

Xoghayaha arimaha gudaha, Priti Patel, ayaa meesha ka saartay khafiifinta tallaaboyinka ay qaaday dowladda, kadib markii uu xoghayihii hore ee maaliyadda, Philip Hammond ku biiray dadka ku baaqaya in xukuumadda ay la timaado qorshe ay dib ugu hawlgelinayso dhaqaalaha dalka.

More in focus

To Top