Connect with us

somalilandtoday.com

Diyaarad Turkish Airlines Oo Xalay Muqdisho Ka Dejisay Soomaali Ku Xanibnaa Turkiga

focus

Diyaarad Turkish Airlines Oo Xalay Muqdisho Ka Dejisay Soomaali Ku Xanibnaa Turkiga

Diyaarad Turkish Airlines Oo Xalay Muqdisho Ka Dejisay Soomaali Ku Xanibnaa Turkiga

(SLT-Muqdisho)-Diyaaradda Turkish Airlines ayaa xalay Muqdisho keentay ku dhowaad 58 qof Soomaali ah oo muddooyinkii u dambeeyay ku xanibnaa dalka Turkiga.

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga ayaa gacan ka geysatay soo daabulida dadkan Soomaalida ah ee ku xanibnaa dalka Turkiga, isla markaana uu saameeyay xayiraadii ka dhalatay Cudurka COVID-19.

Ku dhowaad boqol Soomaali ah ayaa ku xanibnaa dalka Turkiga, tan iyo markii dalkaas lagu soo rogay xaalad bandow ah, si looga hortago cudurka Coronavirus oo adduunka oo dhan saamaeeyay.

Dhinaca kale Diyaaradda Turkish Airlines ayaa xalay ka qaaday Muqdisho illaa 101 Muwaadiniin Turkey ah, sidoo kale dadka ay diyaaradda qaaday waxaa ka mid ahaa Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Cavdillaahi Goodax Barre oo la sheegay in howlo caafimaad ah uu isna u baxay.

More in focus

To Top