Connect with us

somalilandtoday.com

Xildhibaan Baaq Nabadeed U Diray Beelaha Walaalaha Ah Ee Colaadu Ku Dhexmartay Deegaanka Bixin Ee Gobolkaasi Sanaag.

focus

(SLT-Hargeysa)-Xildhibaanku waxa uu baaq nabadeed u diray dadka walaalaha ah ee hoos yimaada gobolka Sanaag ee deegaanada Bixin iyo Fadhigaab oo uu xildhibaanku ugu baaqay in dagaalka ay si bilaa shuruud ah u joojiyaan oo ay Nabadda qaataan islamarkaana isugu yimaadaan miiska wado hadalada, iyadoo xildhibaanku uu xusay in arrintaasi xukuumada Somaliland si xoogan ay uga howlgashay.

Geesta kalena xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud waxa uu soo dhaweeyey mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland oo 11 mudane oo golahaasi ka socdaa ay ku sugan yihiin deegaanadaasi shaqaaqadu ka dhacday ,iyagoo arrimaha nabadeynta labadaasi beelood iyo xasilintooda ku howlan yihiin.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top