Connect with us

somalilandtoday.com

Raysal Wasaaraha Soomaaliya Oo Khadka Telefoonka Kula Hadlay Dhiggiisa Dalka Kuwait.

focus

Raysal Wasaaraha Soomaaliya Oo Khadka Telefoonka Kula Hadlay Dhiggiisa Dalka Kuwait.

Raysal Wasaaraha Soomaaliya Oo Khadka Telefoonka Kula Hadlay Dhiggiisa Dalka Kuwait.

(SLT-Muqdisho)-Raysal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo amiirka Dalka Kuwait ayaa ka wada hadlay arrimo ay kamid yihiin xoojinta xidhiidhka labada dowladood.

Xasan Cali Khayre iyo Sheekh Sabaax Khaled Al-Xamad Al-Sabaax amiirka wadanka Kuwait oo khadka telfoonka ku wada hadlay ayaa waxaa ay isla soo hadal qaadeen iskaashiga Labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha, siyaasadda iyo qodobo kale oo muhiim ah.

Intii uu socday wada hadalka labada dhinac qadka telefoonka ahaa ayaa waxaa ay sidoo kale ay ka wada hadleen sidii Dowladda Kuwait ay Dowladda Soomaaliya uga garab siin lahayd la dagaalanka cudurka safmarka ah ee Covid-19.

Dowladda Kuwait ayaa kamid ah wadamada Jaamacadda Carabta ee xidhiidhka iyo wax wada qabsiga uu ka dhexeeyo Soomaaliya, waxaana wada hadalkan uu imaanayaa iyadoo Dowladda Soomaaliya ay dadaal xoogan ay ku bixinayso sidii looga hortagi laha fiditaanka Covid-19.

More in focus

To Top