Connect with us

somalilandtoday.com

Raysal Wasaaraha Soomaaliya Oo Wadahadal Khadka Taleefanka La Yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka

News

(SLT-Muqdisho)-Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay wada-hadallo khadka taleefanka ah la yeeshay Wasiirka Arrimaha dibadda Ruushka Sergey Lavrov.

Raysal Wasaaraha Soomaaliya ayaa qoraal kooban oo uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay ku sheegay inuu ku faraxsan yahay wada hadal muhiim ah oo dhinaca qadka taleefanka inuu dhex-maro Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka.

Arrimaha labada dhinac ka wada hadleen ayaa waxaa ka mid ahaa xoojinta xidhiidhka diblomaasiyadeed, iyo iskaashiga ku aadan dadaalada lagaga hortagayo cudurka Coronavirus.

Sidoo kale bogga Wasaaradda Arrimaha dibadda Ruushka ayaa lagu daabacay wada hadalada khadka taleefanka ee dhex maray Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka iyo Raysal Wasaaraha Soomaaliya.

More in News

To Top