Connect with us

somalilandtoday.com

Maraakiibta Sacuudiga Oo Bilaabay Inay Isticmaalaan Marinada Biyaha Ee Geeska Afrika

focus

Maraakiibta Sacuudiga Oo Bilaabay Inay Isticmaalaan Marinada Biyaha Ee Geeska Afrika

Maraakiibta Sacuudiga Oo Bilaabay Inay Isticmaalaan Marinada Biyaha Ee Geeska Afrika

(SLT-Riyadh)-Sacuudiga ayaa ku dhawaaqay inay bilaabeen maraakiibtooda inay isticmaalaan khad cusub oo u dhaxeeya iyaga iyo dalalka Bariga Afrika, wakaalada wararka Sacuudiga (SPA) ayaa werisay sidaa.

Ku dhawaaqistaan ayaa ku soo beegmaysa xilli Sacuudi Carabiya ay kor u qaadday maalgashiga dekeddeeda warshadaha King Fahd ee ku taalla xeebta Badda Cas si ay u buuxiso baahiyaha gobolka.

Khadkan cusub ee maraakiibta ayaa gacan ka geysan doona kor u qaadista gaadiidka xeebaha ee u dhexeeya dekedaha Boqortooyada iyo dekedaha Bariga Afrika.

Sacuudigu wuxuu sheegay inuu khadkan bixin doona adeeg toos ah oo toddobaadle ah oo cusub oo u dhaxeeya Boqortooyada, Kenya Somaliland iyo Soomaaliya iyada oo loo sii marinayo 4 markab oo heeggan ah.

More in focus

To Top