Connect with us

somalilandtoday.com

“Gacanta Hala Saaro Beesha Nabada Jabisa…” Siyaasi Cali Waran-cadde

focus

“Gacanta Hala Saaro Beesha Nabada Jabisa…” Siyaasi Cali Waran-cadde

“Gacanta Hala Saaro Beesha Nabada Jabisa…” Siyaasi Cali Waran-cadde

(SLT-Hargeysa)-La-taliyaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cali Maxamed Waran-cade ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay colaada kasoo cusboonatay gobolka Sanaag ee u dhaxaysa labada beelood ee halkaa wada degga.

Siyaasi Cali Maxamed Waran-cade ayaa Xukuumadda iyo shacabka Somaliland ugu baaqay in si midaysan gacanta loo saaro beesha jebisa hashiiska si ay ugu cimbro qaatan kuwa kale iyo cida walba ku sugan gudaha dalku.

“Dhibaatada inagu dhacday waxa weeye dhawrka jeer ee arrintu soo noqnoqtay mar walba waxa inaga baxsatay haddii hashiis hore loo galay yaa danbiga leh oo dabadeed cidda lagu helo aynu dambiga ku qaadno oo gacanta la saaro dawlad iyo shacaba , waxa imaan lahayd in la kala baqo ” ayuu yidhi

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top