Connect with us

somalilandtoday.com

Muftiga Ugu Weyn Sacuudiga Oo Soo Jeediyey In Salaadaha Taraawiixda Iyo Salaadda Ciidda Lagu Tukado Guryaha

focus

Muftiga Ugu Weyn Sacuudiga Oo Soo Jeediyey In Salaadaha Taraawiixda Iyo Salaadda Ciidda Lagu Tukado Guryaha

Muftiga Ugu Weyn Sacuudiga Oo Soo Jeediyey In Salaadaha Taraawiixda Iyo Salaadda Ciidda Lagu Tukado Guryaha

(SLT-Riyadh)-Muftiga ugu weyn Sucuudiga Sheikh Abdulaziz Al al-Sheikh, ayaa sheegay Salaadda Taraawiixda ee bishan Ramadan iyo midda Ciidul Firtiga lagu oogi doono guryaha, haddii faafitaanka cudurka Coronavirus uu sii socdo, waxaa sidaas werisay wakaaladda wararka Reuters oo soo xiganeysa wargeyska Okaz ee Sacuudiga.

“Salaadda Taraawiixda Ramadaanka waxaa lagu tukan karaa guriga, haddii aan lagu gudan karin Masaajidada, sababo la xiriira tallaabooyinka la qaaday ee lagula dagaalamayo faafitaanka Coronavirus,” ayuu yidhi Sheikh Abdulaziz Al al-Sheikh oo ka jawaabaya su’aal arrintan laga weydiiyey.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Salaadda Ciidul Fitriga-na ay la mid tahay, sida uu qoray wargeyska.

Bisha barakeysan ee Ramadan ayaa billaabaneysa toddobaadka soo socda.

Saudi Arabia ayaa badhtimihii March joojisay in shanta salaadood ee maalinlaha ah iyo salaada Jimcaha lagu tukado masaajidada, taasi oo qeyb ka ah dadaallada lagu xadidayo faafitaanka Coronavirus.

Waxay sidoo kale joojisay Cumaradii iyo booqashadii Masjidka Nebiga NNKH, ayada oo la hakiyey dal-ku-galka la siin jiray dadka dibedda ka imanaya, si ay usoo booqdaan labada Xaram.

Dalka Sacuudiga ayaa waxaa laga diiwaan-geliyey 6,380 kiis oo ah cudurka COVID-19, iyo dhimashada 83 qof oo la xidhiidha cudurkaas.

More in focus

To Top