Connect with us

somalilandtoday.com

Puntland Oo Joojisay In Masaajidada Lagu Tukado

focus

Puntland Oo Joojisay In Masaajidada Lagu Tukado

Puntland Oo Joojisay In Masaajidada Lagu Tukado

(SLT-Garoowe)-Maamulka Puntland ayaa xalay ku dhawaaqay in la joojiyay salaadaha jamaca lagu tukado ee masaajidada iyo ta jimcaha, iyadoo kaliya masaajida laga aadaamayo lagana aqiimayo.

Go’aankaan ayaa lagu xusay war kasoo guddiga ka hortagga cudurka coronavirus, waxaana amarkaan uu dhaqan galayaa maanta oo khamiis ah oo ku beegan 16-ka bisha April, illaa amar dambe ayuu socon doonaa.

Waxaa kale oo warkaan lagu sheegay in la kordhiyay bandowga habeenimo ee saaran magaalooyinka Puntland, kaasoo markii hore ku eekaa shalay arbacadii, balse waxaa la kordhiyay muddo laba toddobaad ah.

Puntland waxay xustay in aanay jirin wax kiisas ah oo ku saabsan cudurka Coronavirus oo laga diiwaan galiyay degaanadeeda, iyadoo sii xoojisay tilaabooyinka lagula dagaalamayo Qaadka iyo wax kasta oo horseedi kara faafitaanka cudurka.

More in focus

To Top