Connect with us

somalilandtoday.com

Jabuuti Oo Hoggaaminaysa Dalalka Geeska Afrika Ee Uu Ka Jiro Covid 19

focus

Jabuuti Oo Hoggaaminaysa Dalalka Geeska Afrika Ee Uu Ka Jiro Covid 19

Jabuuti Oo Hoggaaminaysa Dalalka Geeska Afrika Ee Uu Ka Jiro Covid 19

(SLT-Jabuuti)-Xanuunka Covid_19 ee faraha baas ku haya dalalka Adduunka ayaa si xawli ah ugu faafaya dalka Jabuuti.

Inta la xaqiijiyay wadarta dadka uu soo ritay Caabuqa Coronavirus ayaa gaadhay guud ahaan waddankaasi 591 ruux, waxaana xanuunkaasi dartii Jabuuti ugu geeriyooday laba ruux, maanta oo kaliya waxa laga heley cudurka tiradii ugu badnayd oo ah 156 qof.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay inuu aad uga walaacsanyahay xaaladda Caafimaad ee soo korodhay, iyadoo inta badan horay loo fasaxay shaqaalaha dowladda badi, marka laga reebo kuwa si gaar ah hayo shaqooyinka lagama maarmaanka ah.

Jabuuti ayaa hoggaaminaysa dalalka Bariga Afrika, marka loo eego Tirada Dadka uu ku dhacay.

Dalka Somaaliya ayaa waxa uu ku dhacay dad gaadhaya 80, halka Itoobiyana tiradu ka badan tahay konton.

Somaliland ayaala xaqiijiyey inuu ku dhacay dad gaadhaya 5 Ruux, taasi ayaa Jabuuti ka dhigaysa Dalka Dadka ugu badan uu ku soo ritay Xanuunka Covid_19.

More in focus

To Top