Connect with us

somalilandtoday.com

Fannaankii Weynaa Cumar Shooli Oo Geeriyooday

focus

Fannaankii Weynaa Cumar Shooli Oo Geeriyooday

Fannaankii Weynaa Cumar Shooli Oo Geeriyooday

(SLT-Muqdisho)-Waxaa xalay Magaalada Muqdisho ku geeriyooday Allaha u naxariistee fannaankii weynaa ee Cumar Cabdulle Shooli.

Fannaanka ayaa labadii bilood ee ugu dambeysay ku xanuunsanayay Magaalada Muqdisho, iyadoona uu xalay ku geeriyooday Cisbitaalka Yardimeri.

Cumar Cabdulle Shooli oo ka tirsanaa Fannaaniintii Waaberi, laguna naaneysi jiray (Madaalihii Hobolada Waaberi) ayaa toddobaadkii la soo dhaafay Dowladda Federaalka ku eedeeyay inaanay waxba u qaban, isagoo hobol qaran ahaa.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo ku hadlayay afka Dowladda Federaalka ayaa maanta ka tacsiyadeeyay geerida hobolka.

More in focus

To Top