Connect with us

somalilandtoday.com

Raysal Wasaaraha Ingiriiska Oo Laga Saaray Cisbitaalka

focus

Raysal Wasaaraha Ingiriiska Oo Laga Saaray Cisbitaalka

Raysal Wasaaraha Ingiriiska Oo Laga Saaray Cisbitaalka

(SLT-London)-Raysal Wasaaraha UK Boris Johnson ayaa laga saaray Cisbitaalka kadib markii laga daweeyay xanuunka Coronavirus, balse shaqada kuma laaban doono, sida lagu shaaciyay war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiskiisa.

Mr Johnson, oo 55 sanno jir ah, ayaa la dhigay Cibitaalka St Thomas’ hospital, ee ku yaalla magaalada London Axaddii – 10 malamood ka dib markii laga helay fayraska Corona.

Muddo 3 habeen ah ayuu ku jiray qeybta xaaladda deg degga ee la geeya dadka ay xaaladooda caafimaad aad u liidata.

“Iyadoo laga duulaya talada dhakhaatiirta, ra’iisalwasaaraha si dhakhse leh shaqada uguma laaban doono. Wuxuu aad ugu mahadcelinayaa shaqaalaha Cisbitaalka oo siiyay daryeel aad u wacan”, ayaa lagu yidhi war qoraal ah o ka soo baxay xafiiskiisa.

More in focus

To Top