Connect with us

somalilandtoday.com

Dawladda Deegaanka Soomaalida Itoobiya Oo Sheegtay In Qof Xagga Somaliland Ka Tagay Looga Shakiyey Coronavirus

focus

(SLT-Hargeysa)-Dawladda deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegtay inay hayaan laba Qof oo looga shakisan yahay inuu hayo Xanuunka Dunida aadka ugu faafaya ee Covid_19.

Labadan Qof oo dumar ah ayaa lagu hayaa Magaalada Jigjiga ee Xarunta Dawladda deegaanka Soomaalida, waxaana laga qaaday dheecaano si loo hubiyo in Xanuunka hayo iyo kale.

Sidaana waxa xaqiijiyey Wasiirka Caafimaadka Dawladda deegaanka Soomaalida Itoobiya, Dr. Yuusuf Maxamed oo Shalay Saxaafadda la hadlay, waxaanu sheegay in labada Dumarka ah ee laga shakiyey midkood ka timid Magaalada Burco oo Somaliland ah, Xaaladdeedana lagu ogaaday Magaalada Wajaale oo ay safar ku tagtay.

Wasiirka oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Xaruntii aanu diyaarinay waxa jooga laba Gabdhood, mid waxay ka timid Diridhaba da’deeduna waa 24 jir, taas oo looga shakisan yahay Cudurka, Gabadh kale oo 45 jir ahina waxay ka timid Burco oo ay gaadhay, wayna ka soo noqotay, waxaana laga soo gudbiyey Wajaale, dhiiggagii looga baahnaa waanu ka qaadnay, natiijadana Addis Ababa ayaanu ka sugaynaa..”

More in focus

To Top