Connect with us

somalilandtoday.com

“Xudeydi Waxa Uu Ahaa Shakhsiyad Qowmiyadda Soomaalida Dhexdeeda Karaamo Iyo Sharaf Ku Dhex Lahaa…” Guddoomiye Cirro

focus

(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa ka hadlay geerida naxdinta leh marxuun Axmed Ismaaciil Xuseen Xudeydi oo ku geeriyooday cisbitaal ku yaalla magaalada London.

Guddoomiye Cirro ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga waxa uu ku yidhi : “Geerida Boqorkii Cuud-ka ayay sheegayaan gacal ha waayaane! Ilaahay ha u naxariisto Axmed Ismaaciil Xuseen [Xudeydi] 1928-2020 oo xalay xaqii ugu yimid London, Xudeydi waxa uu ahaa shakhsiyad Qowmiyadda Soomaalida dhexdeeda karaamo iyo sharaf ku dhex lahaa, dhaxalna uga tegay isla markaana Fanka Soomaalida abaal weyn gashaday, Ilaahay ha ku casumo Jannatul Firdowsa, qoyskii, qaraabadii, asxaabtii iyo umadda Soomaalidana Samir iyo iimaan haka siiyo.”

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top