Connect with us

somalilandtoday.com

Saddex Ka Mid Ah shaqaalaha Ethiopian Airline Oo Coronavirus laga Helay

focus

Saddex Ka Mid Ah shaqaalaha Ethiopian Airline Oo Coronavirus laga Helay

Saddex Ka Mid Ah shaqaalaha Ethiopian Airline Oo Coronavirus laga Helay

(SLT-Addis Ababa)-Madaxa shirkadda diyaaradaha ee Itoobiya Airlines, Tewelde Gebremariam, ayaa sheegay in saddex kamid ah shaqaalaha shirkaddooda laga helay cudurka Coronavirus.

Tewelde Gebremariam, wuxuu sheegay in shaqaalaha cudurka laga helay ay ku jiraan daryeel caafimaad laguna karantiimeeyay goob u gaar ah shaqaalahooda oo ay sharciyeysay wasaaradda caafimaadka Ethiopia.

Arrintaan ayaa kusoo beegmaysa xilli shirkadda Ethiopia Airline ay tahay shirkadda kaliya ee xilligaan duulimaadyada ka sameysa Somaliland.

Dhinaca kale, shirkadda Ethiopian Airline ayaa shaacisay inay khasaartay lacag dhan 550 milyan oo dollar oo ah saameynta ka dhalatay cudurka Coronavirus.

Tewelde Gebremariam, ayaa sheegay xilligan, shirkaddu inay hakisay duullimaadyadii ganacsiga ilaa boqolkiiba 90, taas oo macnaheedu yahay inay duuleyso 10 boqolkiiba oo keliya goobaheedii caalamiga ahaa.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top