Connect with us

somalilandtoday.com

Soomaaliya Oo Amartay In La Sii Daayo Afar Qof Oo Karantiilnaa Oo Mid Ka Mid Ahna Laga Helay Coronavirus

focus

(SLT-Muqdisho)-Wasaaradda Caafimaadka ayaa go’aamisay in la sii daayo afar qof oo hore looga shakisanaa inay qabaan Coronavirus, kuwaasoo ku karantiilnaa Cisbitaalka UN/AMISOM, kaddib markii lagu waayay wax kiis ah baadhitaano isdaba joog lagu sameeyay.

Mid ka mid ah afarta qof ee karantiilnaa ayaa baadhitaankii koowaad oo lagu sameeyay laga helay inuu qabo cudurka, hase ahaatee laba jeer oo isku xiga oo dib baadhitaan loogu celiyay lagu waayay cudurka Coronavirus.

Saddex kale ayaa laba baadhitaan oo lagu sameeyay natiijadooda lagu waayo wax kiis ah, sidaas la amray in la sii daayo.

Afartan qof oo ku karantiilnaa Cisbitaalka AMISOM, ayaa magacyadooda lagu xusay qoraal ka soo baxay wasaarada caafimaadka oo luqada Englishka ku qornaa.

More in focus

To Top