Connect with us

somalilandtoday.com

SOMALILAND: Guddida Qandaraasyada Qaranka Oo Ku Sifoobay Cadaalad U Samaynta Sherkadaha.

News

SOMALILAND: Guddida Qandaraasyada Qaranka Oo Ku Sifoobay Cadaalad U Samaynta Sherkadaha.

SOMALILAND: Guddida Qandaraasyada Qaranka Oo Ku Sifoobay Cadaalad U Samaynta Sherkadaha.

(SLT-Hargaysa) Hay’adda Qandaraasyada Qaranka oo u xilsaaran Qaranka baahinta qandaraasyada iyo kala xulida Sherkadaha ayaa ku sifowday labadii sanno iyo badhkii ugu danbeeyay ee ay xilka hayeen cadaalad iyo garsoorid xalaal ah, iyadoo mashruuc kasta oo la baahiyo u kala reeba Sherkadaha soo buuxiya shuruudaha nidaam cadaladeed. Taas oo raali galisa Sherkadaha hela iyo kuwa waayaba.

Waxa ugu danbeeyay oo Guddida Qandaraasyadu hanaan cadaaladeed u kala rebeen mashruuci Timirta Ciidamadda ee Ramadaanta, iyadoo habka nasiibka qori tuurka ku kala reebay Sherkadihii isku soo dhawaaday, taas oo noqotay hanaan qanciyay dhammaan Ganacsatadii soo codsatay. Sidoo kale xogwaraysi kala duwan oo Shabakada Somalilandtoday samaysay kadib waxaanu ka cudur daaranayna war hore ugu soo baxay oo ku saabsana Qandaraaska Timirta iyo sii lagu kala helay oo aan u jirin sidii loo baahiyay.

Si kastaba ha ahaate waxa waajiba in la bogaadiyo hay’adda muujisa shaqo wanaaga iyo isku duubnida cadaaladna ka samaysa shaqada ay hayso.

Somalilandtoday/Hargaysa/Office

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in News

To Top