Connect with us

somalilandtoday.com

Qofkii Saddexaad Oo Qaba Cudurka Coronavirus Oo Laga Helay Magaalada Muqdisho

focus

Qofkii Saddexaad Oo Qaba Cudurka Coronavirus Oo Laga Helay Magaalada Muqdisho

Qofkii Saddexaad Oo Qaba Cudurka Coronavirus Oo Laga Helay Magaalada Muqdisho

(SLT-Muqdisho)-Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur ayaa goor-dhayd shaacisay in Soomaaliya laga helay kiiskii 3-aad ee la xidhiidha cudurka Coronavirus oo caalaamka ku haya dhibaatada xooggan.

Fowsiya Abiikar Nuur oo ka hadlaysay barnaamijka kulanka Jimcaha ee ka baxa warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in qof ka tirsan shaqaalaha ajnabiga ah ee ku sugan Xalane laga helay cudurka.

Shalay ayay aheyd markii wasaaradda caafimaadku ay shaacisay in qof qaba caabuqa Corona laga helay Muqdisho waxaana uu noqonayaa kiiskii 3-sad ee Corona oo laga helay Soomaaliya

More in focus

To Top