Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Oo Ka Hadlay Cudurka Coronavirus

focus

Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Oo Ka Hadlay Cudurka Coronavirus

Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Oo Ka Hadlay Cudurka Coronavirus

(SLT-Jigjiga)-Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumad Cumar oo Maanta xafiiskiisa kula hadlay saxaafadda ayaa bulshada u diray farriin ku saabsan sidii Caabuqa COVID-19ka looga hortagi lahaa.

Madaxwaynaha ayaa bulshada ku guubaabiyay, inay yareeyaan isu imaanshaha iyo goobaha ay bulshadu ku kulanto sida, Makhaayadaha, xarumaha adeega bixiya sida, Bankiyada iyo xarumaha Isgaadhsiinta.

Madaxwaynaha ayaa farriin gaara u diray Ciidamada amaanka ee kala gadisan ee DDS, inay ilaaliyaan ammaanka xuduudaha madaamo oo dhawaan la xidhay , isla mar markaana inay fuliyaan awaarmita la xidhiidhay Caabuqa COVID-19 ee ay xukuumadu soo saarto.

dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, ayaa qaaday tallaabooyin dhawr ah oo is xigxiga oo laga hortagayo Cubaqan, iyada oo la magacaabay Guddi heer deegaan oo si toos ah ula socda wixii is badalo ah ee yimaada, waxaana xusid mudan in ilaa maanta aan deegaanka laga helin wax bukaan ah oo qaba fayrasaka CORONOGA, marka laga tago 2 ruux oo looga shakiyay, hase ahaate baadhis Caafimaad ka dib la xaqiijiyay inay Caafimaad qabaan.

More in focus

To Top