Connect with us

somalilandtoday.com

SWEDEN : 6 Qof Oo Soomaali Ah Oo U Dhintay Cudurka Coronavirus

focus

SWEDEN : 6 Qof Oo Soomaali Ah Oo U Dhintay Cudurka Coronavirus

SWEDEN : 6 Qof Oo Soomaali Ah Oo U Dhintay Cudurka Coronavirus

(SLT- Sweden)-Lix ka mid ah 15 qof oo dalka Swdeden ugu geeriyooday caabuqa Corona ayaa la sheegay in ay yihiin soomaali asal ahaan.

Tellefeyshinka Sweden ee SVT aya baahiyey xalay xogtan isagoo xiganaya ururka isku taga dhakhaatiirta Sweden.

Arrintan ayeey kooxdani sheegeen inay ugu wacan tahay, dadka oo aan helin xoog buuxda oo cudurkan la xidhiidha markii uu dalka ku faafay, dadkuna ay caadi u dhaqmayeen. Kooxdan ayaa sidoo kale sheegay in badi dadkaasi ay yihiin dad cuduro hore u qabay.

Arrinta kale ee haddana keentay in cudurkani ku dhex faafo soomaalida dhexddeeda ayaa u ah iyagoo intooda badan degan guryo cidhiidhi ah, taana ay keeneeyso in la is wada qaadsiiyo.

Wa tiradii ugu badneyd ee Soomaali ah ee hal dal ucu geeriyooda caabuqan.

More in focus

To Top