(SLT-Hargeysa)-Sida ilo xogogaal sheegayaan waxa qarka u saaran in uu fashilmo Qandaraas qaabkii loo bixiyey madmadow badani ku xeernaa oo la siiyey shirkad la yidhaahdo Cabdillaahi Aflax Used Spare Parts oo soo waarida Bir-libaaxda Gaadiidka.
Shirkadan Cabdillaahi Aflax Used Spare Parts ayaa Qanradaas Qaraabakiila lagu siiyey inay muddo toddobaada ku keento Timirta bisha barakaysan ee Ramadaan la siiyo Ciidamada Somaliland.
Qandaraaskan la siiyey Shirkada Cabdillaahi Aflax ayaa lagu dhawaaqey 12-ka bisha March 2020-ka inay ku guullaystay tartanka keenida Timirta, ku darsoo waxaa loo qabtay oo heshiiska ku jirtay inay Muddo Toddoba cisho ah ku soo wareejiso amma ku soo gaadhsiiso Timirta Ciidamada loogu talo galay Balse taasi way fashilantay oo weli maanta oo taariikhdu tahay 24-kii March 2020-ka Hal teneg lagama hayo.
Shirkadan Cabdilaahi Aflax ee Qaraabakiilka lagu siiyey Keenista Timirta Ciidanka Somaliland ayaa xilligii ay tartanka ku jirtay shaacisay inay hayso cadadka Timirta looga baahan yahay oo ay dalka u taalo, ku darsoo waxay madasha tartanka keentay Foojaro iyo Dhukumentis sheegaya inay tartanka ku gelayaan Timir taalla Bakhaaro qaarkood Burco ku yaalla oo aan ka xusi karo Tawfiiq & Al-intifaac oo ka madax banaan qandaraaslaha helay tartanka.Taas oo macnaheedu yahay inaaney shirkada Cabdillaahi Aflax timirta loo baahan yahay Gacanta ugu jirin, dalkana u oolin balse ay ku tartamayaan Timir taalla Bakhaaro gacansi oo weliba laysla dhexmaraayo inay gaboowday oo tayadeedu liidato oo sanado taaley oo la meydhaayo si loogu eekaysiiyo Timir cusub.
Geesta kalena waxaa oo oogan oo soo laba kacleeyay muran ka dhex qarxay Gudida Qandaraasyada Somaliland qadiyadan timirta ee fashilantay darteed maadaba Xubno ka tirsan Gudidu Saami macaash laga siiyey qandaraaskan Timirta (Waa laaluush casriya oo inagu soo kordhay).
Isku soo wada duuboo Shirkada Cabdillaahi Aflax ee sida Qaraabkiilka & Eexda ah lagu siiyey Qardaraaska timirta ciidamada Somaliland ayaan welin fulin shuruudihii ay Qandaraaska ku qaadatay,qadiyadeena u eeg tahay inay ku fashilantay maadaba waqtigii ka dhacay oo ay muddo dhaafna waxba ku keeni la’dahay!.
Halkan ka daawo Ballanqaadkii Aflax & dardarankii Gudoomiyaha