Connect with us

somalilandtoday.com

Dad Looga Shakiyay Cudurka Coronavirus Oo Lagu Qabtay HARGEYSA

focus

Dad Looga Shakiyay Cudurka Coronavirus Oo Lagu Qabtay HARGEYSA

Dad Looga Shakiyay Cudurka Coronavirus Oo Lagu Qabtay HARGEYSA

(SLT-Hargeysa)-Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland ayaa waxaa sheegaya in la qabtay in ka badan 13 qof oo looga shakiyay inay qabaan Cudurka COVID-19 oo kusii faafaya dalal badan oo ku yaalla dunida.

Warar Xog-ogaal ah ayaa sheegaya in dadkaas laga qabtay gudaha Garoonka diyaaradaha Cigaal xilli ay kasoo degeen diyaarad ay la socdeen, waxaana durbo halkaas lagaga qaaday qaaday gaadiidka Gurmadka Deg-deg ah.

Dadka la qabtay oo tiradooda ay dhan tahay 16 qof Soomaali ah ayaa ka yimid dalka Mareykanka iyo dalal kale oo si weyn u sameeyay Cudurka Coronavirus, waxaana la geeyay Xarun loogu talagalay in dadka lagu karantiilo.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka Somalilland oo ay kaga hadleyso dadkaas laga qabtay Garoonka diyaaradaha Hargeysa ee Cigaal ee looga shakiyay Cudurka COVID-19.

More in focus

To Top