Connect with us

somalilandtoday.com

Wiil Soomaali Ah Oo Dhowaan Lagu Dilay Sweden Oo Shalay La Aasay

focus

Wiil Soomaali Ah Oo Dhowaan Lagu Dilay Sweden Oo Shalay La Aasay

Wiil Soomaali Ah Oo Dhowaan Lagu Dilay Sweden Oo Shalay La Aasay

(SLT-Sweden)-Wiil Soomaali ah oo dhowaan lagu dilay dalka Swedan ayaa shalay lagu aasay Dalkaasi.

Allaha u naxariistee Ilyaas Cabdiraxmaan Shiikh Muxudiin oo ahaa wiil 16 sanno jir ah ayaa lagu dilay magaalada Gutenberg, waxaana ka soo qeybgalay dhamaan jaaliyada Soomaalida.

Booliska Sweden oo muddo toddobaad ah baadhitaan ku aadan cidda ka dambeysa dilkaan ayaa ugu dambeyn u ogolaaday ehelada Ilyaas in la aaso.

Aabbaha dhalay Ilyaas oo lagu magacaabo Shiikh Cabdiraxmaan Shiikh Muxidiin Celi oo la hadlay Universal Tv ayaa sheegay in uu cafiyay ciddii ka dambeysay dilka Wiilkiisa.

Shiikh Cabdiraxmaan ayaa dhanka kale sheegay in uu rajeynayo in wiilkiisa uu noqdo dhibanihii ugu dambeeyay oo lagu dilo Sweden.

Dalkaan ku yaalla qaarada Yurub ayaa mudooyinkaan waxaa ku sii kordhayay dilalka dhalinyarada Soomaalida ah.

More in focus

To Top