Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweynihii Hore Kooxda Real Madrid Oo U Geeriyooday Cudurka Coronavirus

focus

Madaxweynihii Hore Kooxda Real Madrid Oo U Geeriyooday Cudurka Coronavirus

Madaxweynihii Hore Kooxda Real Madrid Oo U Geeriyooday Cudurka Coronavirus

(SLT-Madrid)-Madaxweynihii hore ee Kooxda kubadda cagta Real Madrid Lorenzo Sanz ayaa geeriyooday isaga oo ay da’diisa aheyd 76 sanno, kaddib markii uu ku dhacay cudurka Coronavirus.

Lorenzo Sanz ayaa Cisbitaal loola cararay salaasadii la soo dhaafay, kaddib markii ay qabatay xumad, waxaana baadhitaan lagu sameeyay kaddib lagu ogaaday in laga helay cudurka Coronavirus.

Sanz ayaa ahaa Madaxweynaha Kooxda kubadda cagta Real Madrid sanadihii 1995-2000, waxaana xilliyadaas ay Real Madrid ku guuleysatay laba jeer Koobka Champions League.

Cudurka Coronvirus ayaa adduunka oo dhan si safmar ah ugu faafay, iyadoo uu soo ritay kumanaan qof, waxaana cudurkan uu sababay in adduunka oo dhan ay hakad geliyaan dhaq dhaqaaqyadii isu socodka duulimaadka, si looga hortago faafida cudurkan.

More in focus

To Top