War-saxaafadeed:- ”18-kii March 2020, Horizon Institute, waxa uu soo saaray
codsi uu u diray Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi inuu talaabo degdeg ah qaado si
xanuunka COVID-19 looga ilaaliyo dadka ku jira xabsiyada iyo saldhigyada
booliska Somaliland. Gaarahaana, Horizon waxa uu ka dalbaday madaxweyne Biixi
inuu amar ku bixiyo in la sii daayo dadka xidhan ee aan galin dambiyada
culculus iyo rabshadaha, gaar ahaana dumarka maxaabiista ah ee uurka leh,
tanina waa khatar gaar ah oo CoOVID19 ah in ay somaliland kaga timaado dhinaca
xuduuda.
Isla maalintaas, 18-kii March, haweeney uur 8 bilood ah leh ayaa damiin
lagaga siidaayay Saldhigga Booliska Wajaale halkaas oo ay ku xukunayd xukun
saddex sano ah iyo ganaax ah inay ka ganacsanaysay khamri. Waxaa la xukumay 31
Dicember 2019, waxaanu uurkeedu soo baxay isla markii boolisku xidheen 25-kii
December. Way qiratay oo ciqaabtu si dhakhso leh ayey u dhacday. Waxaana loo
diray inay xukunkeeda ku qaadatp saldhiga boolis, oo ah xarun aan lahayn
adeegyo caafimaad, gaar ahaan haweeneyda uurka leh.
Wadamada kale, sida Brazil, waxay leeyihiin shuruuc lagu daryeelo haweenka
uurka leh dumarka jaqsiinaya iyo caruurtoodaba marka ay marayaan xukunada
ciqaabeedka inay ku qaataan xabsi guri. Arintani kama dhacdo Somaliland.
Ilaalinta dheeriga ah ee dumarka uurka leh iyo kuwa nuujiyaba waxay maraan
sharciga ah in dib loo dhigo ciqaabta dilka ilaa ilmuhu ka dhasho ama hal sano
jir gaadho ama uu helayo daryeelka qoyska. Sababtoo ah maqnaanshaha sharcigan
daryeelka, garsooraha ayaa maraya ikhtiyaarkiisa oo kaliya, iyada oo la eegayo
qirashadeeda, in la xukumo.
Markii kooxda Sharciga ee Horizon ay la kulmeen haweenaydaasi 4-tii March,
xaaladdu waxay ahayd mid aad u xun. Uurkeeduna wuxuu ahaa mid marxaladihii u
dambeeyey maraya waxay la kulantay arrimo caafimaad iyadoo la raacayo
shuruudihii xadhiga. Taliyaha saldhigga booliisku wuxuu codsaday in kiiskeeda
ahmiyada koowaad la siiyo kaalmada sharciga, isagoo og in xaruntiisu aanu u
qalabaysnayn inay caawiso haweeney umulaysa. Kooxdayadu waxay ogeysiisay
qoyskeeda waxaamau bilaabeen inay kala shaqeeyaan iyaga si loo sugo
siideynteeda. Waxaanu ka caawinay qoyska inay haweenayda geeyaan dhakhtar, in
la isku dubarido waraaqaha lagama maarmaanka u ah codsashada damiinka iyo aanu
u diyaarinay inay la hadlaan xaakimka. Waa lasii daayay hadana waxay ku sugan
tahay gurigeeda.
Si kastaba ha noqotee, ma dhammaan. Si aan macquul ahayn, dacwad-ooguhu
wuxuu racfaan ka qaatay go’aanka garsooraha oo uu wali sii raadinayo
xukunkiisa, in kasta oo aanay jirin Somaliland meel u qalabaysan oo lagu xidho
haweenayda uurka leh oo lagu daryeelo iyada iyo ilmaheeda markay umusho. Tani
waxay khatar gelineysaa haweeneyda iyo ilmaheeda mustaqbalka, gaar ahaan hadda
oo ah wakhtiga coronavirus. Horizon waxaay ugu baaqaysaa xeer-ilaalinta in ay
laasho racfaanka aan loo baahnayn.