Connect with us

somalilandtoday.com

Rag Loo Daldalay Kufsi Iyo Dil Ay Geysteen 8 Sanno Ka Hor

focus

Rag Loo Daldalay Kufsi Iyo Dil Ay Geysteen 8 Sanno Ka Hor

Rag Loo Daldalay Kufsi Iyo Dil Ay Geysteen 8 Sanno Ka Hor

(SLT-Delhi)-Afar nin oo Hindi ah oo loo haystay kufsiga iyo dilka gabadh 23 jir ahayd oo sanadkii 2012 ka dhacay gudaha magaalada Delhi ayaa la daldalay ka dib markii toddobo sanno ka hor maxkamadi ku xukuntay dil.

Afartani nin oo kala ah Akshay Thakur, Vinay Sharma, Pawan Gupta iyo Mukesh Singh ayaa sanadkii 2013 lagu xukumay dil. Balse habeen hore ayaa lagu daldalay gudaha xabsiga Tihar.

Dilka nimankani ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee ka dhaca dalkaasi India tan iyo sanadkii 2015.

Gabadha ay raggani kufsaden ka dibna ay dileen ayaa ahayd arday, waxayna u dhimatay dhaawac soo gaadhay ka dib markii ay lix nin ku dhex kufsadeen bas gudihiisa.

Dhacdadaasi ayaa waxaa ka dhashay cadho xoog leh iyo in markii dambe la dhaqan geliyo sharci adag oo ka dhan ah kufsiga.

More in focus

To Top