Connect with us

somalilandtoday.com

Kumanaan Kun Oo Maxaabiis Oo Laga Sii Daayay Xabsiyada IRAN

focus

Kumanaan Kun Oo Maxaabiis Oo Laga Sii Daayay Xabsiyada IRAN

Kumanaan Kun Oo Maxaabiis Oo Laga Sii Daayay Xabsiyada IRAN

(SLT-Tehran)-Dowladda Iiraan ayaa si ku meel gaadh ah xabsiyada uga sii deysay kumaan maxbuus oo dheeraad ah oo ay ku jiraan siyaasiyiin ka tirsan Mucaaradka.

Tallaabadan ayaa looga gol leeyahay sidii lagu yareyn lahaa khatarta caabuqa Corona oo ay dowlada Iiraan culeys kala Kulmeyso.

Amarka ay ku dhawaaqday xukuumada Tehraan ayaa imaanaya, iyadoo toddobaadkii hore waaxda garsoorka ay si ku meel gaadh ah u sii deysay 70,000 oo maxbuus kuwaasi oo aan galin dambiyo Culus.

Afhayeenka waaxda garsoorka Iiraan Mr Qulaam Xuseen Ismaaciili ayaa sheegay shalay in 85,000 maxbuus xabsiyada laga sii daayay, kadib markii ay soo baxday cabsida la xidhiidha caabuqa Corona.

Maxaabiista la sii daayay ayaa badi waxay ahaayeen dad lagu qabtay mudaaharaadyadii looga soo horjeeday dowlada Iiraan ee dhacay bishii November ee sannadkii hore.

Si kastaba ha ahaatee waxaa la filayaa in ay dib ugu laabtaan xabsiyada 3-da bisha soo aadan ee April.

Dalka Iiraan ayaa wuxuu ka mid yahay wadamada ugu badan ee uu saameeyay cudurkaan oo ay dad badan u dhinteen.

More in focus

To Top