Connect with us

somalilandtoday.com

Joe Biden Oo Qarka U Saaran Inuu Noqdo Musharaxa Dimoqraadiga Ee La Tartami Doona Madaxweyne Trump

focus

Joe Biden Oo Qarka U Saaran Inuu Noqdo Musharaxa Dimoqraadiga Ee La Tartami Doona Madaxweyne Trump

Joe Biden Oo Qarka U Saaran Inuu Noqdo Musharaxa Dimoqraadiga Ee La Tartami Doona Madaxweyne Trump

(SLT- Florida)-Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Puntland Joe Biden ayaa qarka u saaran inuu noqdo Musharaxa Xisbiga Dimoqraadiga ee la tartami doona Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Joe Biden ayaa guullo iska daba joog ah ka soo hoynayay tartanka is reeb reebka doorashada ee Musharaxiinta xisbiga Dimoqraadiga.

Mr Biden ayaa guulo muhiim ka soo hoyay Gobolada Florida, Illinois iyo Arizona, isagoo kaga adkaaday Bernie Sanders.

Warbixinada laga helayo Gobolka Florida ayaa sheegaya in Mr Biden uu 62% ku hoggaaminayay, halka Mr Sanders uu helay illaa 23%, sida ay qortay wakaalada wararka AP.

Musharaxa Xisbiga Dimoqraadiga ee ku guulleysta doorashada is reeb reebka waxaa uu bisha November ee sannadkan la tartami doonaa Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo dadaal ugu jira sidii uu xilligii labaad ugu guulleysan lahaa xilka Madaxtinimada dalkaas.

More in focus

To Top