Connect with us

somalilandtoday.com

Shiinaha Oo Ka Cadhooday Magac Cusub Oo Uu Trump U Bixiyey Coronavirus

focus

Shiinaha Oo Ka Cadhooday Magac Cusub Oo Uu Trump U Bixiyey Coronavirus

Shiinaha Oo Ka Cadhooday Magac Cusub Oo Uu Trump U Bixiyey Coronavirus

(SLT-Washington)-Shiinaha iyo Mareykanka ayaa is-weydaarsaday hadallo kulul kadib markii Beijing ay ka cadhootay in madaxweyne Trump uu cudurka Coronavirus ugu yeedhay magac cusub oo ah “Fayruska Shiinaha.”

“Dowladda Mareykanka waxay si awood leh u taageeri doontaa ganacsiyada, sida diyaaradaha iyo kuwa kale ee uu saameeyey Fayruska Shiinaha,” ayuu Trump ku yidhi qoraal uu Isniintii soo dhigay Twitter.

Bejing ayaa Salaasadii sheegtay inay “si xooggan uga cadhootay” hadalkaas, oo ay ku qeexday “mid la macno ah ceebeyn”.

Dowladda Mareykanka waa “inay si deg deg ah u joojisaa eedeymaheeda aan loo qiil dayin ee ka dhanka ah Shiinaha,” waxaa sidaas weriyayaasha u sheegay afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Geng Shuang.

Faallo lagu qoray wakaaladda wararka rasmiga ah ee Shiinaha ee Xinhua ayaa sidaa kale lagu yidhi “isticmaalka magacyo cunsurinimo iyo naceyb ah si dillaaca cudurka loogu eedeeyo dalal kale waxay muujineysaa kaliya mas’uuliyad darrada siyaasiyiinta iyo waxqabad la’aantooda, taasi oo kordhin doonta cabsida Fayruska”.

Dagaaklka afka ah ayaa sare usii qaadaya xiisadda diblomaasiyadeed ee labada dal, taasi oo markii hore kasoo billaabay murunka dhanka ganacsiga ah, markii uu xukunka qabtay Trump.

Hadalka Trump ayaa waxaa sidoo kale laga dhalleeceeyey guudaha Mareykanka, ayada oo lagu qeexay kuwa dhalin kara fal-celin ka dhan ah bulshada Asian-American-ka ah.

“Bulshadeena Asian-American-ka ah – Dadka aad u adeegto – markii horeba way dhibanaayeen. Uma baahnaa inaad sii kordhiso isir naceybka,” waxaa sidaas Twitter ku qoray duqa magaalada New York Bill de Blasio, oo gobolkiisa uu ka mid yahay kuwa uu sida xun u saameeyey cudurka.

Ururka Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegay in kiisaska Coronavirus ee laga diiwaan-gelinayo dunida inteeda kale ay imanka ka badan yihiin kuwa Shiinaha.

Coronavirus ayaa waxaa markii ugu horreysay laga helay dalka Shiinaha, dhammaadkii 2019.

AFP

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top