Connect with us

somalilandtoday.com

Maamulka Gobolka Sool Oo Ka Hadlay Dil Xalay Magaalada Laascaanood Loogu Geystay Taliyihiin Ciidanka Sirdoonka

focus

(SLT-Laascaanood)-Guddoomiyaha Gobolka Sool Cabdiqani  Maxamuud jiidhe ayaa ka hadlay dil xalay Magaalada Laascaanood loogu geystay  Taliyihiin Ciidanka Sirdoonka Magaaladas Cabdiqani Guhaad Xasan.

Guddoomiye Cabdiqani Maxamuud ayaa marka hore tacsi u diray qoyska iyo Asxaabtii uu ka geeriyooday Taliye Cabdiqani Guhaad oo xalay kooxo hubeysan ay ku dileen afaafka hore ee gurigiisa.

Isaga oo war qoraal soo saaray Guddoomiyaha Gobolka Sool ayaa waxaa ku sheegay in Shacabka ku dhaqan Gobolka iyo laamaha amniga looga baahan yahay inay iska kaashadan sugida amniga gacan adag-na isaga qabtaan ragga geysta falka  amniga lidka ku ah.

“Waxaan dhammaanteen shacab iyo maamulba inagu waajiba inaan iska kaashano gacan adag-na iskaga qabano cid kastoo lid ku ah ammaankeenna iyo Nolosheena” ayuu yidhi Guddoomiye Cabdiqani Jiidhe.

Ugu dambeyntii Guddoomiyaha Goboolka Sool ayaa laamaha amniga faray inay gacanta kusoo dhigaan dadkii ka dambeeyay dilka loo geystay Taliyihii Ciidanka Sirdoonka Somaliland ee Laascaanood, kaasi oo xalay la toogtay.

More in focus

To Top